Ganacsatada qaadka Kenya oo ku hanjabay joojinta jaadka ay keeneen Soomaaliya

Wararka Maanta

Khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa u muuqda mid saameyn weyn ku yeelan kara Ganacsiga ka dhaxeeya labada dowladood,waxaana Ganacsatada qaadka dalka Kenya ay ku hanjabeen inay joojinayaan jaadka(Qaadka)  ay keenaan Soomaaliya

Kimathi Munjuri oo ah Afhayeenka Ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay inay  joojin doonaan qaadka ay keenaan Soomaaliya hadii ay siiwado murana dhinaca badda ah ee xilligaan kala dhaxeeya Kenya.

Isaga oo Warbaahinta dalkaasi la hadlayay ayuu sheegay in marwalba Soomaaliya Kenya ugu hanjabto joojinta qaadka balse ay iyagu ka dhabeynayaan,isla markaana ay joojinayaan hadii aan la xalin khilaafka hadda ka dhexjira labada dowladood.

“Uma dul qaadan doono in Soomaaliya markasta noogu hanjabto joojinta qaadka aan geyno dalkooda,marna qaad kuma iibsan karno madax banaanida dalkeena” ayuu yiri Afhayeenka Ganacsatada qaadka ee dalka Kenya mr Kimathi Munjuri.

Dowladda Kenya ayaa dhaqaalo farabadan oo lagu qiyaasay 100-Milyan oo shilinka Kenya ah ka hesha qaadka ay usoo iibgeyso Soomaaliya,waxaana sidoo kale xusid mudan in Gudaha Kenya ay Ganacsi waaweyn ku leeyihiin Soomaali farabadan oo dalka ka cararay markii ay ka curteen dagaalada sokeeye.