Cali Gacal iyo M. Xaashi oo soo gaaray Cadaado (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa maanta soo gaaray Magaalada Cadaado xarunta barlamaanka Galmudug, Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka yimid degmada Cabudwaaq waqooyiga Gobolka Galgaduud oo uu maalmahaan ku sugnaa.

Dhanka kale waxaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha Cadaado Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, waxaana garoonka ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo qeybaha Bulshada.

Cali Gacal oo khudbo kooban ka jeediyey ayaa sheegay in xildhibaanada Galmudug qabsan doonaan shaqadooda dastuuriga ah, wuxuuna ugu baaqay xildhibaanada maqan in ay deg deg u yimaadaan Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug. Cali Gacal ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey tiro xildhibaano ah iyo siyaasiyiin kale.