Xildhibaan Xidig” 2016 Meel ka liidata ayuu marayaa Dalku

Wararka Maanta

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in dowladda Federaalka inay ka gaabisay xal u helida arrimaha ka jira dowlad goboleedyada, isagoo dhanka kale ku eedeeyay inay sii hurineyso khilaafyada ka jira maamulada qaar.

Xildhibaanka oo ka qeyb galayay Barnaamijka Faaqidaada Todobaadka ee ka baxa Idaacada VOA ayaa sheegay in meeshii dowladda ugu timid meel ka liidata uu dalka joogo, isagoo tilmaamay in dhibaatada aanu ka jirin kaliya Dastuurka.

“Meesha ay wax ka haleysan yihiinw aa dowladda Dhexe oo isticmaaleysa awood iyo xoog, waxaa la rabaa inay dabacsanaan la timaado, wada tashi iyo sidii hanaanka geeddi socodka loo sii wadi lahaa”ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Mar uu soo hadal qaaday arrinta ka taagan Galmudug ayuu sheegay in dowladda Federaalka ay lug ku laheyd, isla markaana xaalada meesha ka jirtay ay ku sii dartay dab iyo basiin.

Waxaa uu sheegay in Albaabada Villa Soomaaliya ay u xiran yihiin koox kooban oo Xildhibaano iyo shaqsiyaad isugu jira, cid walbana laga xirtay, isagoo xusay in xildhibaanadii deegaanada laga soo doortay aanan la dhageysaneyn

“Villa Somalia albaabada waa u xiran yihiin, tiro yar oo kooban baa ku jirra ama Xildhibaano ha noqdaan ama shaqsiyaad kale oo dhashay 8 February, cid kale albaabada waa ka xiran yihiin, hadii Galmudug dhibaato ka jirtay waxay aheyd in Xildhibaanada loo yeero, lama dhihin orda aada ee dhibaatada soo xaliya”ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in albaabada dowlad goboleedyada ay u furan yihiin, isla markaana Madaxweynayaasha ay talo ka dhageystaan, waxaa uu tilmaamay in isagoo ah Xildhibaan ka soo jeeda Jubbaland uu la hadli karo madaxda maamul goboleedyada, balse dhibka jira uu yahay sida qibrad la’aanta heysata Villa Somalia iyo qaabka ay hada wax u maareyenyso oo uu xusay in loo baahan yahay inay wax ka bedesho.

“Dalkaan Hal Xisbi oo maamulo ma jiraan, Xisbiyo isu tagay oo dowlad federaal ah oo wadatashi ku dhisan waaye, ee ma ahan nidaam kacaan dal lagu maamulo oo awaamiir iyo digreeto lagu xukumayo”ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid Xidig.

Warqoraal ah oo si wadajir ah uga soo baxay bishii hore dowlad goboleedyada ayaa lagu eedeeyay dowladda Federaalka inay fara gelin ku heyso dowlad goboleedyada, waxaana xubno ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha la sheegay inay wadaan olole ka dhan ah maamul goboleedyada.

@VOA