Cadaado: Soo dhaweynta Maxamed Cabdullaahi Tiiceey (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynihii hore Maamulkii Ximan & Xeeb ee Bartamaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiiceey iyo wafdi uu hogaaminayo oo saaka soo ambabaxay Magaalada Gaalkacyo gobolka Mudug ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Cadaado gobolka Galgaduud.

Shacabka farabadan ayaa tubnaa hareeraha wadooyinka, waxaana Soo dhaweynta ugu weyn ka dhacday fagaaraha Madaxtooyada Galmudug Magaalada Cadaado, halkaan oo ay isugu soo baxeen dadweyne farabadan. Waxaana sidoo kale soo dhaweynta qeyb weyn ka qaatay masuuliyiinta Galmudug ee ku sugan Magaalada Cadaado.

Tiiceey ayaa ugu mahad celiyey bulshada Cadaado, sidoo kale Waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay shan sano kadib inuu ku soo laabtay Magaalada Cadaado oo horey u aheyd caasimadii Maamulkii Ximan & Xeeb.

Caawa ayaa xarunta Madaxtooyada waxaa lagu qabanayaa xaflad balaaran oo lagu soo dhaweynayo Maxamed Cabdullaahi Tiiceey iyo masuuliyiinta la socota.