Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta Sirdoonka Afghanistan

Wararka Maanta

Qarax uu gaystay ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa ku qarxay afaafta hore ee xarunta Sirdoonka ee dalka Afghanistaan.

Saraakiil ka tirsan dowladda waxa ay sheegeen in saddex ruux ay ku dhinteen qarax oo uu gaystay nin isa soo miidaamiyay.

Qaraxa ayaa dhacay xili dad badan oo ku nool caasimadda ay u socdeen shaqooyinka, ilaa iyo hadatana ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Bishii May qarax ka dhacay aag diblumaasiyaded ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 150 qof.

Afghanistaan waxay wajaheysa weeraro goos goos ah oo kaga yimaada dagaalyahanada Taalibaan.