Cabdiwali Gaas oo wada Qorshe Hirshabeelle Daked shaqaysa ku yeelanayso

Wararka Maanta

Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa xalay waxuu ku howday Xarunta Hirshabeelle ee Jowhar halka Madaxdiii kale shalay Caleema-saarka Waare kala qayb galay ay Xarumahoodi u hoyaadeen.

Ma cada Qorshaha Hugaamiyaha Maamuladu xalay Jowhar u seexday balse wararka ayaa sheegaya inuu kulamo la qaadanayay Madaxwaynaha Hirshabeelle iyo Siyaasiin kale sida Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur cade) iyo Siyaasi Jabriil Ibraahin Cabdule.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in Mr Gaas iyo Siyaasiinta kale ay Madaxwayne Waare ku qalqaalinayaan inuu furo Dekada Ceel-macaan Gaas ayaa soo jediyay in Shirkadda Imaaradka DPWorl oo gacanta ku haysa Dakedd Boosaaso ay dhisto Dekada Ceel-macaan laguna wareejiyo. Hugaamiyaha Isbahaysiga Maamulada ayaa u xusul doobaya in Maamuladu ka kaaftoomaan Dhaqaale ay ka sugaan Dowladda Dhexe oo hakisay lacagihii ay siin jirtay Bil kasta Maamul Goboleedyada sida ay ku warameen ila ka ag dhawaa kulankiii xalay.in Dakedda Ceel-macaan Shaqayso waxay hoos u dhigi kartaa isticmaalka Dakedda Muqdisho marka loo fiirsho masaafo ahaan.

Kulanka oo Albaabadu u Xirnaayeen waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday Shirka 28 bishan ay Dowladda Dhexe isu yeertay Maamulada waxaana Hugaamiyaha Isbahaysiga Dowlad Goboleedyada iyo Ku xigeebkiisa Maxamed Cabdi Waare ku balameen in aysan muujin Tanaasul badan oo ku aadan waxyaabaha ay Ka tabanayaan Dowladda Farmaaajo 28 bishan

Isbahaysiga Maamulada ayaa Caqabad ku noqon kara Hiigsiga Dowladda Soomaaliya oo wajahaysa Xaalad Amni oo Cakiran mana cada in Shirka Muqdisho lagu dhamayn karo madmadoga jira si Al-shabaab meel looga soo jeesto.

W/D:Ali Abdiwahab Aden

Ceelhuuronline