Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay isku raaceen in ay shaqada ka joojiyaan Taliyeyaal dhawaan uu magacaabay Madaxweyne Waare.
Sababta ugu weyn ee Xildhibaanada u cuskadeen shaqo ka joojinta ayaa waxa ay ku sheegeen in Madaxweynaha sifo sharci daro ah u maray magacaabistan.
Xildhibaanada ayaa ku doodaya in marka hore ay aheyd in la magacaabo Guddiyada Amniga, lana saxo qodobo ka mid ah Dastuurka oo ay sheegeen in Waare uu ku xadgudbay.
Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay maamulka inuu ku dhisan yahay Dastuur, loona baahan yahay talaabo walba oo la qaadayo in si nidaam ah lagu meel mariyo.
Wuxuu sheegay Xubnaha Baarlamaanka Hirshabelle inay isla garteen dib u celinta Taliyeyaashaasi uu magacaabay Madaxweyne Waare.
Madaxweyne Waare, ayaanan ka hadlin arrinta la xiriirta in Xildhibaanada Maamulkaasi ay dib u celiyaan Taliyeyaal uu magacaabay Madaxweynaha.