SAWIRO:Madaxweynaha oo sagootiyay Guddi la socon doona Dacwada Badda ee Somalia iyo Kenya

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay sagootiyay guddi korjoogto ah, kuwaasoo tagi doona Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee ku taala magaalada The Hague ee dalka Holland.

Guddigan ayaa u tagi doonaa sidii ay ula socon lahaayeen dacwada Badda ee u dhaxeysa dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo la filayo in maalinta barito ah ay dib uga furanto magaalada The Hague.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheakh Maxamuud ayaa muujiyey sida dowladda Soomaaliya ay ugu kalsoontahay in ay ku guuleysato dacwadaasi, maadaama Soomaaliya si sharci ah ay u martay dacwada la xiriirta muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaan xalay sagootiyay guddi korjoogto ah oo tagi doona Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada, guddigaan waxay halkaasi u tagayaaan inay la socdaan dacwada u dhaxaysa dalkeena Soomaaliya iyo dalka Kenya ee ku saabsan murranka badda, waxaan ku kalsoonahay inaan dacwadaasi ku guulaysan doono inshalaah”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya, oo ku xad gudubtay qeyb kamid ah Badda Soomaaliya.

xasan1-768x432 xasan2-768x432 xasan3-768x432

Comments are closed.