Daawo: Madaxweyne Tiicey oo dib ugu laabtay Maraykanka

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynihii hore ee Maamulkii Ximan Iyo Xeeb, Maxamed Aaden Tiiceey oo muddo 4 sano iyo laba bilood ah ku xirnaa xabsi ku yaalla Wadanka Belgiumka oo todobaadkan bartankiisii xabisga laga sii daayay, ayaa waxa uu habeenkii xalay ahaa dib ugu soo laabtay magaalada Minneapolis dalka Maraykanka, oo uu ka mid ahaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas mudada ku noolaa.


Maxamed Tiiceey ayaa xabsiga u galay eedo la xiriira inuu ku lug lahaa falal burcadbadeednimo iyo markab ay leeyhiin dowladda Belguimku oo lagu afduubtay xeebaha deegaanka Ximan iyo Xeeb xiligii uu madaxweynaha ka ahaa.

Xigasho: VOA