Sawirro: Banaanbax looga soo horjeedo Xasuuqii Zoobe oo Cadaado ka dhacay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Banaanbax loogu soo horjeedo xasuuqii 14 ka bishan ka dhacay Zoobe magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay Magaalada Cadaado, dibad baxaan waxaa soo abaabulay dhalinyarada deegaanka. waxa ayna ku muujiyeen dareenka in cadaw ummadda Soomaaliyeed meel looga soo wada jeesto.

Goobta Banaanbaxa waxaa ka hadlay Xoghayaha degmada Cadaado Diiwaan Macalin, Gudoomiyaha dhalinyarada Galmudug Caruuse iyo dad kaloo farabadan. waxaana dhammaan la isku raacay in gurmad loo diro dadku dhibaatadu gaartay. dhanka kale isbitaalka Cadaado ayaa ugu deeqay dhaqaatiir iyo dawooyin mashaqadii ka dhacay magaalada Muqdisho.