Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo shalay soo gaaray Cadaado ayaa saaka kulan la qaatay waxgaradka iyo Nabadoonada Cadaado, oo tabasho ka qabay heshiiskii lala galay Ahlu sunno. Shir Saacado qaatay oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa fashil ku soo dhamaaday. kadib markii laba dhinac isku fahmi waayeen qodobo xasaasi ah.
Bulshada Cadaado ayaa u arka Xaaf uu galay heshiis aan laga wada tashan, kaas oo dhinac u raran waa sidey hadalka u dhigeene. waxaana siyaasiyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo arinta garwadeen ka ahaa la kala safteen labada dhinac. Sidoo kale Xaaf ayaa ka biyo diiday in uu gorgortan ka galo heshiiskaas, isagoo sheegay in aan cidna loo joojinayn midnimada Galmudug waa siduu hadalka u dhigaye.
Reer Cadaado ayaa Xaaf hordhigay in aysan aqbali karin heshiis aysan ku cadeyn maqaamka Cadaado ay yeelanayso, maadaama ay muddo usoo dhabar adeygayeen maamulka, iyagoo sheegay in ay ka tashan doonaan ayahooda.
kadib markii uu fashilmay shirkan ayaa qeybaha bulshada waxaa shir uga furmay Hotelka Central Magaalada Cadaado, shirkaas oo la filayo in ay goordhow kasoo saaraan go’aan mideysan. Axmed Ducaale ayaa wajahaya mucaarado xooggan oo kaga imaanaysan bulshada Cadaado, taas oo uusan wali xal u helin.