Barcelona Oo War Ka Soo Saartay Dhaawaca Jordi Alba & Gerard Pique

Ciyaaraha

images

Barcelona ayaa xaqiijisay in Jordi Alba uu seegi doono labada Isbuuc ee soo aadan garoomada kadib dhaawac muruqa ah oo soo gaaray, halka daafaca dhexe Gerard Pique uu seddex isbuuc garoomada kaga maqnaanaayo dhibaato dhanka canqowga.

Labada ciyaaryahan ayaa waxay dhaawacyo kasoo gaareen  qeybtii hore ee  kulankii Champions League Barcelona  habeenkii Arbacadii, kaas oo kooxda reer Spain ku badisay 4-0 iyadoo a hat-trick uu dhaliyay Lionel Messi iyo gool soo daahay oo uu dhaliyay Neymar.

war  ka soo baxay kooxda reer Catalan ayaa shaaca ka qaaday in Alba dhaawac cajirka ah uu ku maqnaanaayo laba todobaad halka  Pique dhaawac  canqowga midig ah, uu garoomada seegaayo sedex isbuuc.

labada daafac ayaa seegi doona safarka La Liga Barcelona ee Valencia Todobaadkan iyo kulanka guriga kooxda Granada dhamaadka bisha.

Alba ayaa laga yaabaa inuu taam u noqdo kulanka kooxda  Man City  1-da November , laakiin Pique lama filayo inuu ku soo laabto garoomada illaa iyo kulanka horyaalka ee Barcelona ay la ciyaarayso Malaga ka dib ciyaaraha heerka caalami  19-ka November, taasoo la micno ah in uu sidoo kale ka maqnaan doona xulka Spain.

 

W/D Hafsa Haaji