Home » Ciyaaraha » Miralem Pjanic: “Waxaan iska diiday Spurs & Arsenal Date :February 12, 2018 Author :Hafsa Haji 185 views

Miralem Pjanic: “Waxaan iska diiday Spurs & Arsenal

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Miralem Pjanic ayaa shaaca ka qaaday inuusan wax qoomamo ah ka qabin hadii uu u dhaqaaqi Tottenham Hotspur iyo Arsenal horaantii xirfadiisa ciyaareed.

Pjanic ayaa 18kii bilood ee u danbeysay ku qaatay Turin, isagoo dhaliyay 12 gool 73 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan ka dib markii uu dhameystiray heshiiskii Roma.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka heerka caalami ee Bosnia-Herzegovina ayaa sheegay inuu ku riyaaqi lahaa meelo kala duwan xirfadiisa ciyaaraha, hadii uu u dhaqaaqi lahaa midkood labada kooxood ee Spurs iyo Arsenal.

27 jirkaan ayaa u sheegay The Telegraph: “Waxaad dooneysaa inaad ogaato magacyada, waxay ahaayeen Arsenal iyo Tottenham.

Pjanic ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro marka Juventus ay wajaheyso Spurs tartanka Champions League habeenka talaadada.

Aragtidaada ka dhiibo