Bakool;Gaadiid Ganacsi oo gaaray Magaalada Xudur

Wararka Maanta

Ku dhawaad 15 Gaadiid oo u rarnaa Ganacsatada Bakool ayaa gaaray Xarunta Gobolka Bakool ee Xudur kuwaasoo ka yimid Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan arintaan ayaan ahmiyad wayn ugu fadhisa Shacabka degaanadaas.

Gaadiidkan oo ku xayirnaa maalmihii lasoo dhaafay inta u dhaxeysa Gobolada Bakool iyo Hiiraan ayaa waxaa ugu dambayn u suurto gashay in ay gaaraan Xaruunta Gobolka Bakool ka dib markii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgalo ka dhan ah Al shabaab ka sameeyeen Waddooyinka isku xira Goblada Bakool iyo Hiiraan Al shabaab ayaa waxa ay go’doon saareen Waddooyinka soo gala Magaalo madaxda Gobolka Bakool taasoo keentya in dadka Shacabka ah ee ku nool Gobolka Bakool ay awoodi waayaan helitaanka adeegyada nolosha aas aasiga u ah.

Qaar kamida ah Dadka kulool Gobolka Bakool ayaa soo sheegaya in gaadiidkan oo u rarnaa ganacsatada Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool ay gaareen Magaaladaasi.