Dhuusamareeb: QIIMEEYTEEYDA. [Aragti]

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dhuusamareeb: QIIMEEYTEEYDA.

Markaan si dhow u xuuraansaday siyaasadda gabidhacleeyneeysa ee Galmudug iminka ka taagan, si kooban u rog rogay, waxaan odorosay suurtagalnimada qodobadan hoos ku qoran:

  1. In Dowlada Federalka ay Wadaadada Ahlusunna Waljameeca – AWJ siiso 35 Xubnaha Baarlamaanka cusub ee Galmudug. Inkasta oo uu Macalim Maxamud sida kaliya uu 100% ku qanci karo ay tahay in qodobkaan ay Dowladu u fuliso, Sidoo kalana, ay jiraan warar hoose oo sheegaya in Dowladu ay markii horaba sidaa u balan qaaday laakin waxaa iminka hubaal ku dhow in aysan dowladu diyaar u aheyn in Macalinka ay siiso 35 Xildhibaan.

  2. Dowlada Federalka & AWJ in ay meel dhexe isugu yimaadan. Tusaale, Dowladu in Wadaadada AWJ ku qanciso in ay si gaar u siineeyso oo ay soo dhistaan 10 – 15 Xubnaha Baarlamaanka cusub ee Galmudug. Waxaan filayaa in dhanka Dowlada uu qodabkaani aad suurtagal uga yahay laakiin Macalim Maxamuud ma hubo.

  3. Dowlada Federalku in ay goosato oo isticmaasho awood ciidan. Hadii Dowladu adeegsato xoog waxaa hubaal ah, ka sokoow in dad badani ku dhiman doonaan labada dhinac, waxaa ka loo suurtagal ah, hadii Dowladu ku adkaato dagaalka, in wadaadadu biirin doonaan liiska Xasan Dahir & Muqtar Robow. Qodabkani waa meesha ugu hooseeysa oo labada dhinac ay isla gaari karaan markii laga quusto iskudayada kale oo dhan.

Talo soo jeedin:

Dowlada Federalka waxaa la gudboon in ay isigu yeerto hugaanka qeeybaha bulshada Galmudug oo ay ugu horeeyaan Odayaasha Dhaqanka kadibna ay Dowladu banaanka soo dhigto gunta khilaafkaan taagan. Halkaasna looga sii gubno in arrinkaan lagu xaliyo wadahdal daah furan.

W/Q: Ilyaas Sheekh.