Dr. Axmed C. Dahir “Cid muran gelisay ma jirto Badda, dowlad iyo Mas’uuliyiin hore midna”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in dowladda Kenya ay bilowday muranka haatan ka taagan Badda, kadib markii ay si qaldan xuduuda u calaameysatay, iyadoo ka faa’ideysaneysa dowlad la’aanta Soomaaliya. Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in Heshiiskii MOU ee is fahamkii labada dal gaareen si […]

Continue Reading

Sawirro: Ammaanka Cadaado oo Aad loo Adkeeyey

Magaalada Cadaado oo ka mid ah magaalooyinka Marti galinaya Doorasha Soomaaliya Sanadkan 2016 ayaa waxaa sare loo qaaday Ammaanka Magaalada, Ciidamada ayaa baro kontorool ka sameystay wadooyinka iyo gudaha magaalada, gawaarida ayaa aad loo baarayaa, waxaana Maamulka Galmudug uu soo saaray amar ah in aan la ogalaan doonin dadka hubka ku dhex wata magaalada. Ergooyin […]

Continue Reading

C/raxmaan C/shakuur “Heshiiskii MoU ee aan saxiixay wuxuu difaacayaa Danaha Soomaaliya”

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Musharrax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa jawaab ka bixiyay eedeymo loogu jeediyay inuu iibsaday Badda Soomaaliya, isagoo difaacay go’aankii uu ku saxiixay heshiiskii is afgaradka ahaa ee la saxiixay 2009-kii. Mr Warsame ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in heshiiska uu saxiixay […]

Continue Reading

Jawaabta Koowaad ee Soomaaliya… W/Q: Yusuf Garaad

Afar qareen oo caalami ah ayaa maanta bixiyay Jawaabta Soomaaliye ee ku wajahan diidmada Kenya ay dooneyso in ay isku hortaagto in Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu ay gasho kiiska muranka soohdinta badeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa xusuus mudan in ay dacwadda badda ay marka hore Makxmadda u gudbisay Soomaaliya oo dalbtay in ay […]

Continue Reading

Cumar C/rashiid oo Garowe u tagaya si uu taageero uga helo Puntland

Cumar Cabdirashiid R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu maanta gaaro magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaasoo uu doonayo inuu ka bilaabo ololihiisa tartanka doorashada, isagoo taageero uga raadinaya Maamulka Puntland. Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa maanta ka socota magaalada Garowe, waxaana mas’uuliyiin iyo dadweyne soo dhoweynaya ay ku sugan […]

Continue Reading

Sawirro: Galmudug oo gaadiidleyda u qabatay in 10 Maalmood ay ku qaataan Taarikada Cusub

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado kaga dhawaaqay in muddo ku siman toban maalin kadib deegaanadooda aysan ka shaqeyn Karin gaadiid aan wadan taariko cusub oo uu maamulku maanta soo bandhigay. Kulan lagu daah furayay qorshahani oo ay soo diyaarisay wasaaradda gaadiidka dowlad goboleedka Galmudug waxaa ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Maxamed […]

Continue Reading

Soomaaliya ma aqoonsana Heshiiskii 2009

Todabaadkaan oo billaabanaya 19-ka September 2016, dowladda Soomaaliya waxaa ay soo-jeedin afka ah ka samayn doontaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (Maxkamadda) ee magaalada Heague, dalka Netherlands, taasoo qeyb ka ah diidmada hordhaca ah ee 7-dii October 2015 ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Kenya (dowladda Kenya), ee ka dhanka ah kiiska calaamadaynta soohdinta badda ee Jamhuuriyadda […]

Continue Reading

Waxaan La Hadlayaa!! W/Q; Maxamed Axmed Cali

Waxaan la hadlayaa Hooyada wiilasheedu jiifaan xabsiyada Liibiya, Hindiya, iyo Godka jilacow, ee la yiri “wuu tahriibay”, “waa burcad badeed”, iyo “waa argagixiso”, raadiyahana ka maqleysa “waa la xukumay”. Waxaan la hadlayaa gabadha labada cunug haysata ee aabbahood qaraxa lagu dilay. Waxaan la hadlayaa wiilka xoogga furan, daacadda ah, wax bartay, niyadda wanaagsan, laakin, hoos […]

Continue Reading

Daawo: Baroordiiq Cadaado loogu sameeyey Jeneraal Goobaale

Munaasabad baroordiiq ah ayaa maanta Magaalada Cadaado loogu sameeyey Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Rooble Jimcaale Gooble oo shalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Wasiiro, xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo madax kale, Madasha ayay ka soo qeybgalayaashii ka jeediyeen Tacsi, waxaan goobta ka aqriyey taariikha jeneraalka […]

Continue Reading

Maxkamadda Cadaalada oo Kenya dhageysatay.. W/Q: Yusuf Garaad

Maanta ayuu Hague ka furmay dhegeysiga diidmo ay Kenya ka keentay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ. Kenya waxaa ay qabtaa in aan Maxkaddu gelin dacwadda iyada oo ku adkeysaneysa in Soomaaliya iyo Kenya ay Is-Afgarad kala saxiixdeen 2009. Kaas oo labada dal ay ku heshiyyeen, sida ay Kenya u […]

Continue Reading