Waxaan La Hadlayaa!! W/Q; Maxamed Axmed Cali

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Waxaan la hadlayaa Hooyada wiilasheedu jiifaan xabsiyada Liibiya, Hindiya, iyo Godka jilacow, ee la yiri “wuu tahriibay”, “waa burcad badeed”, iyo “waa argagixiso”, raadiyahana ka maqleysa “waa la xukumay”. Waxaan la hadlayaa gabadha labada cunug haysata ee aabbahood qaraxa lagu dilay.

Waxaan la hadlayaa wiilka xoogga furan, daacadda ah, wax bartay, niyadda wanaagsan, laakin, hoos jooga wadaad xumaha, jaahilka, iyo xaasidka lacag haysta, oo waqtigu uga hiilliyey, sharcina ka celineyn. Waxaan la hadlayaa gabadha dugsiga sare dhigan jirtay, ee lagu daray nin la yiri “waa aqoonyahan, waddaad, iyo ganacsade adeer kaa ah, kuna biili jiray markaad yarayd”, ee uu dayacay, iyada oo cunug haysatana hoteellada ka heesta.

Waxaan la hadlayaa xamaaliga dhididaya ee waddada taaggan, 30 jeerna maalintii jidka laga celiyo, marna laga dhaco wuxuu haysto, ee la yiraahdo “dowladnimada iyo nidaamkaad qatar ku tahay”. Waxaan la hadlayaa ardeyga soo qalinjabiyey ee lagu yiri “adeer ma lihid shaqadaan, xirfadna aan baran.Dib-udhaca, burburka, musuqmaasuqa, nolol tayo la’aan ah, hanyarida, fogaan arag la’aanta, degdeg u dhimashada, dangarad la’aanta, iyo keligii dharignimada, waxaad u tihiin Afrikaan, waxaad na ka sii tihiin Soomaali, laakin, waxaa idin deeqa hoggaan aragti leh. Hoggaan damqasho leh. Hoggaan damiir leh. Hoggaan aan hurdada ladin inta midkiin caddaalad xumo tabanaayo. Hoggaan hankiisu shillin ka weynyahay. Hoggaan aan nasan intey xera qaxooti furantahay”.

Hoggaan markuu arko carruur dartiis u agoontoomay, ilmadu garkiisa qoyso. Hoggaan idin deeqsiya ugu yaraan caddaalad. Ugu yaraan dareen. Ugu yaraan lajoog. Hoggaan garawsan xilka ka saaran hooyada Dhadhaab joogta. Hoggaan gashan kabaha odeyga xuduudda jooga ee maalintii gumeystaha dariska u qosla, habeenkiina calanka barkada. Hoggaan xusuusan cuqdadda wiilka caasimadda ku dhashay, ku guursan doona, kuna dhali doona ee aan rejo ka qabin in uu guri ku yeesho, laakin, isku haysta qaxooti. Hoggaan leh welwelka nolosha dhallaanka maanta, iyo kuwa berri.
Dad waan arkaa, laakin hoggaan ma arko. W/Q; Maxamed Axmed Cali

4 thoughts on “Waxaan La Hadlayaa!! W/Q; Maxamed Axmed Cali

Comments are closed.