Magaalada Cadaado oo ka mid ah magaalooyinka Marti galinaya Doorasha Soomaaliya Sanadkan 2016 ayaa waxaa sare loo qaaday Ammaanka Magaalada, Ciidamada ayaa baro kontorool ka sameystay wadooyinka iyo gudaha magaalada, gawaarida ayaa aad loo baarayaa, waxaana Maamulka Galmudug uu soo saaray amar ah in aan la ogalaan doonin dadka hubka ku dhex wata magaalada.
Ergooyin iyo Musharixiin doonaya xildhibaano ayaa ku soo qulqulaya magaalada, Wadooyinka iyo goobaha ayaa ah saxmad, qiimaha kirada ayaa sara u kacday, Hotelada ayaa camiran, arintani waa mid farxad galinaysa qof kasta oo magaalada jooga, Bulshada Cadaado oo ah dad ku wanaagsan marti galinta ayaa muddo u diyaargaroobayey sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen martida magaalada imaanaysa.
Cadaado ayaa sanadkii hore marti galisay dhismaha maamulka Galmudug, waana tan keentay in aan welwel laga qabin in ay marti galin karto Kulamo nuucaan ah, ganacsato iyo gaadiidleey badan ayaa Cadaado u yimid sidii ay macaash uga sameeyn lahaayeen doorashada ay magaaladu marti galinayso, qiyaastii 10 Milyan oo dollar ayaa la filayaa in musharixiintu ku qarash gareeyaan Cadaado, waxaana Halkan lagu dooran doonaa 42 Xildhibaan (36 Aqalka Hoose + 8 Aqalka Sare), iyo 1836 Ergay, intaa waxaa dheer dadka u olalaynaya Musharixiinta kuraasta xildhibaanada.
Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullaahi C/raxmaan Tooteel, Abaanduulaha Qeybta 21-aad Korneyl Cirro ayaa maanta booqday ciidamo loogu tala galay sugidda Amniga doorashada, Mr. Xaashi ayaa sheegay in Cadaado lagu dhex arki karin Askari qori wata marka laga reebo Ciidamo gaar ah oo sugaya ammaanka magaalada.
Comments are closed.