Sawirro: Galmudug oo gaadiidleyda u qabatay in 10 Maalmood ay ku qaataan Taarikada Cusub

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado kaga dhawaaqay in muddo ku siman toban maalin kadib deegaanadooda aysan ka shaqeyn Karin gaadiid aan wadan taariko cusub oo uu maamulku maanta soo bandhigay.

Kulan lagu daah furayay qorshahani oo ay soo diyaarisay wasaaradda gaadiidka dowlad goboleedka Galmudug waxaa ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Maxamed Xaashi Cabdi iyo masuuliyiin kale.

Wasiiru dowlaha gaadiidka Galmudug Cabdulle Xasan Nuur ayaa sheegay inay dhamaan soo dhameystireen sharciyadii gaadiidka bulshaduna wixii maanta ka danbeeya qaada karaan, wasiirka amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay la shaqeydoonaan wasaarada gaadiidka qaashada taargada ayna arintan sare u qaadayso amniga dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed xaashi cabdi ayaa sheegay ” muddo ku siman toban maalin ay gaadiidleyda waqti u heystaan cidii mudadaas kadib lagu arko taariko aan aheyd tan Galmudug ay talaabo ka qaadi doonaan ciidamada amnigu”.

Waa markii ugu horeysay ee maamulka Galmudug yeesho taariko u gaara tan iyo dhismihiisii oo ay kasoo wareegtay sanad iyo bilooyin waxana ay imaneysaan arintaani iyadoo maamulka puntland uu dhawan xanibay isku socodka gaadiidka ganasiga isla markaana kala wareeg ay u tahay magaalada gaalkacyo, soo saarista Taarikadan cusub ayaa waxaa daabacday shirkadda Galeyr oo Galmudug ka howlgasha.

dsc09602 dsc09603 dsc09607 dsc09611 dsc09614 dsc09616 dsc09618 dsc09621 dsc09624 dsc09629 dsc09630 dsc09633 dsc09634 dsc09637 dsc09640 dsc09642 dsc09643 dsc09644 dsc09646 dsc09647 dsc09648

Comments are closed.