Xal laga gaaray Shahaadada Ardayda Puntland

Waxaa xal laga gaaray Khilaaf u dhaxeeyay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntlnd oo salka ku hayay qaadista Imtixaanka sanad dugsiyeedka iyo bixinta Shahaadaha Ardayda. Xildhibaanno katirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland oo Warbaahinta la hadlay waxa sheegeen in xal laga gaaray khilaafka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Dhexe […]

Continue Reading

Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay dowladda

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Degmada Xudur Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegeen inuu isku soo dhiigay Sarkaal in muddo ah ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab. Sarkaalka ay soo bandhigeen Ciidanka Xoogga ayaa waxaa uu magacabiisa ku sheegay Colaad Cabdiraxmaan Xirow, isla markaana waxaa xusay inuu Al-shabaab ku biiray sanadkii  2009-kii. Sidoo kale Colaad […]

Continue Reading

Baaqa Xasan Sheekh dirayo kama duwana Manifestadii 1990-kii.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Twitter-kiisa ku qorey hadal sarbeeb ah misna digniin ah oo marka la soo gaabiyo noqonayo “Taariikhda waxey na bareysaa kuwa diida in ay dhageystaan baaqyada dadka ee sababaysan, waxey mar aan fogeeyn wajahayaan rabshado aan sababaysnayn”. Waa runtiis. Bishii May 1990 ayaa rag gaarayey 114 oo isugu jirey Siyaasiyiin hore, […]

Continue Reading

Wasiir Sadiq Warfa oo Paris uga qeybgalay shir weynaha mustaqbalka shaqada

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiq Xirsi Warfa ayaa ka qeybgalay shir weynaha mustaqbalka shaqada oo ka furmay  magaalada Paris ee dalka Faransiiska, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa shirka ku soo bandhigaya dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee xal u helida shaqo la’aanta ka jirtay dalka . “Wasaaradda aan hoggaamiyo wax ay dadal […]

Continue Reading

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax daqiiqado kahor ka dhacay Isgoyska Xoosh ee Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa Miino dhulka la geliyay ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo uu la socday Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda […]

Continue Reading

Maxamed Mursal oo qaabilay wafdi ka socda UNDP

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan barnaamijyada Horumarinta ee (UNDP). Kulanka oo uu guddoomiyuhu la yeeshey ku xigeenka Wakiilka UNDP ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Golaha Shacabka iyo Hay’adda […]

Continue Reading

Taxanaha Mashruuca Horumarinta magaalooyinka iyo xilliga uu soo bilowday

Taxanaha Mashruuca Horumarinta magaalooyinka iyo xilliga uu soo bilowday, Ra’iisul Wasaaraha ma ogaal la’aan ayuu ka ahaa heerarka uu soo maray ? Mashruuca Horumarinta magaalooyinka waxa uu soo bilowday 2015 (Somali Urban Investments Planning Project- SUIPP) waxaana markaas laga bilaabay magaalada Muqdisho. Mashruucan waxaa si rasmi ah loo saxiixay heshiiski ugu horeeyay oo ahaa February […]

Continue Reading

Tartanka Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug waxaa ka socota dhaqdhaqaaqa doorashada Guddoonka Barlamaanka Galmudug, 17 bishan ayaa loo madlan yahay doorashada Guddoonka Barlamaanka. Ilaa hadda 3 musharax ayaa rasmi ah isugu soo taagay kursiga Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug. Musharaxiintan ayaa kasoo kala jeeda degmooyinka Ceelbuur iyo Ceeldheer. Maxamed Nuur Gacal oo kasoo jeeda degmada Ceelbuur. Cabdinaasir Aadan Cismaan […]

Continue Reading