Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay dowladda

Wararka Maanta

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Degmada Xudur Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegeen inuu isku soo dhiigay Sarkaal in muddo ah ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Sarkaalka ay soo bandhigeen Ciidanka Xoogga ayaa waxaa uu magacabiisa ku sheegay Colaad Cabdiraxmaan Xirow, isla markaana waxaa xusay inuu Al-shabaab ku biiray sanadkii  2009-kii.

Sidoo kale Colaad Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka waddista gaadiidka, waxaana uu tilmaamay inuu xiriir la soo sameeyay dhanka Ciidanka dowladda, hayeeshee markii dambe lasoo dhaweeyay.

Guddoomiyaha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool Ibraahim Isaaq Ibraahim oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Colaad baaritaano dheeraad ah lagu sameeyn doono, isagoona u mahadceliyay Colaad.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa dhowr ah soo bandhigay Saraakiil iyo dagaalyahano ka soo goosatay Al-shabaab, kuwaas oo iska dhiibay deegaano ka tirsan Gobolada dalka.

Isha: Dalsan Radio