Tartanka Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug waxaa ka socota dhaqdhaqaaqa doorashada Guddoonka Barlamaanka Galmudug, 17 bishan ayaa loo madlan yahay doorashada Guddoonka Barlamaanka.

Ilaa hadda 3 musharax ayaa rasmi ah isugu soo taagay kursiga Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug. Musharaxiintan ayaa kasoo kala jeeda degmooyinka Ceelbuur iyo Ceeldheer.

  1. Maxamed Nuur Gacal oo kasoo jeeda degmada Ceelbuur.

  1. Cabdinaasir Aadan Cismaan oo kasoo jeeda degmada Ceeldheer.

  1. Cabdullaahi Axmed Calasow oo isna kasoo jeeda Degmada Ceeldheer.

Musharixiin kale ayaa la filayaa in dhawaan ku dhawaaqaan musharaxnimadooda guddoonka Barlamaanka Galmudug.

 

Aragtidaada ka dhiibo