Baaqa Xasan Sheekh dirayo kama duwana Manifestadii 1990-kii.

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Twitter-kiisa ku qorey hadal sarbeeb ah misna digniin ah oo marka la soo gaabiyo noqonayo “Taariikhda waxey na bareysaa kuwa diida in ay dhageystaan baaqyada dadka ee sababaysan, waxey mar aan fogeeyn wajahayaan rabshado aan sababaysnayn”. Waa runtiis.

Bishii May 1990 ayaa rag gaarayey 114 oo isugu jirey Siyaasiyiin hore, Culumaa’udiin iyo Ganacsato waxey warqad ay u bixiyeen ” Manifesto” u direen madaxweynihii xilligaas Maxamed Siyaad Barre iyaga oo ugu baaqayey in dalka ka sameeyo dib u heshiisiin madaama xilligaas Waqooyiga Soomaaliya dagaalo xun ka dhaceen dad badana ay ku dhinteen kana qaxeen, sidoo kale in uu ogolaado xisbiyo siyaasadeed dalka ka dhismaan, kadibna wadanka ka hirgeliyo doorasho xor iyo xalaal ah.

Saxiixayaasha Manifesto waxaa kamid ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan, Ra’iise Wasaarihiisii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Gudoomiyaha hore Baarlamaanka Sheekh Mukhtaar Maxamed, Dr. Ismaaciil Jimcaale, Dr. Maxamed Raajis, halgamaa Cali Shido, Xaaji Muuse Boqor, Suldaan Dulane Rafle, Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, Sheekh Ibraahim Suuley, Sheekh Cali Suufi, Sheekh Shariif Sharafow, Ganacsade Jirde Xuseen iyo rag badan oo kale oo caan ahaa.

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre wuu ka carroodey baaqa ay waxgaradkii Soomaalida xilligaas u direen ee ku saxiixnaa 114 qafood. 40 kamid ah ayuu xabsiga dhigey. Baaqii nabada ee odayaasha u direen ee uu garan waayey Maxamed Siyaad waxaa garansiiyey Jabhadihii hubeysnaa ee dalka xoogga kula wareegey 7 bil kadib baaqii waxgaradkii.

Baaqa Xasan Sheekh dirayo maanta wax weyn kama duwana Manifestadii 1990-kii. Soomaaliya doorasho xor oo xalaal ah waxaan ahayn iyo dib u heshiisiin waxey dalka gelinaysaa fowdo iyo dagaallo hor leh ayuu si sarbeeb ah u leeyahay.

Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa ” fragile states” wadamada aadka u nugul nidaamkooda dowladnimo oo sida fudud u burburi karaan.

Soomaalidu 13 shir oo dib u heshiisiin kadib ayaa Carta Jabuuti, Illaah ka suurtageliyey in wax dowlad lagu sheego in Soomaaliya yeelato, dowladnimo weli nugul oo daciif ah, yaan fudeed lagu burburin oo markale dalka dib loogu celin colaad iyo dowlad la’aan.

W/Q: Ilyaas M. Xuseen.