Xal laga gaaray Shahaadada Ardayda Puntland

Wararka Maanta WAXBARASHADA

Waxaa xal laga gaaray Khilaaf u dhaxeeyay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntlnd oo salka ku hayay qaadista Imtixaanka sanad dugsiyeedka iyo bixinta Shahaadaha Ardayda.

Xildhibaanno katirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland oo Warbaahinta la hadlay waxa sheegeen in xal laga gaaray khilaafka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedka Puntland.

Maxamuud Axmed Ciise Maas oo katirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in kulamo ay la qaateen Madaxda Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu u ballanqaaday in Shahaada Dugsiga ee Ardayda Puntland la siinayo.

Waxa uu tilmaamay in Labada Wasaarad Waxbarasho ee Heer federal iyo heer Dowlad Goboleed ay isla kaashanaayaan sidii Ardayda ay u geli lahaayeen Imtixaanka, kuna heli lahaayeen Shahaadada.

Xildhibaan Daahir Maxamed Muuse waxa uu soo jeediyay in aanu la siyaasadeyn Waxbarashada Ardayda, iyada oo dano gaar ah laga eeganayo, waxaana uu dalbaday in aan gor-gortan la gelin Mustaqbalka Ardayda sida uu hadalka u dhigay.

Siciido Maxamed Xasan iyo Xaawo Yuusuf Axmed oo katirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS waxa ay sheegeen in doorkooda ay ka qaadanayaan sidii looga gudbi lahaa wax waliba oo kala fogeyn kara Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka ay matalaan.

Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Puntland waxa ay ka codsatay Xildhibaan Xaawo Yuusuf in aysan kahor imaan habraaca Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Khilaafka xalka laga gaaray waxa uu ka dhashay qaadista Imtixaanka sanadeedka Ardayda, kadib markii Wasaaradda Waxbarashada Puntland ay sheegtay in ay u madax banaan tahay diyaarinta iyo qaadista Imtixaanka, waxaana go’aankaas kahor yimid Wasiirka Waxbarashada XFS Cabdullaahi Goodax Barre oo sheegay in Imtixaan isku mid ah guud ahaan Ardayda dalka laga qaadayo.

Isha: Mustaqbal Media