Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho oo xiran

Qeyb ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa Saaka Xiran, waxaana lasoo dhigay ciidamada dowladda Soomaaliya. Isgoysyadda Taleex, Zoobe  iyo Banaadir iyo sidoo kale Wadooyin kale oo Muhiim ah ayaa Saaka xiran . Ciidamada dowladda ayaa Wadooyinka ku jaray Gawaarida Ciidamada, waxaana la sheegayaa inuu maanta Muqdisho imaanaayo Gudoomiyaha Midowga Afrika. Qaar ka mid ah […]

Continue Reading

Xasan Sheekh Maxamuud oo u ambabaxay Turkiga (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo xubno kale oo saaxiibo dhow la ah Xasan Sheekh. Xasan Sheekh ayaa la sheegay in […]

Continue Reading

2 Nin oo lagu dilay deegaanka Qeydaro gobolka Mudug

Koox hubeysan ayaa galabta gaari Qaad siday ku rasaaseeyey deegaanka Qeydaro gobolka Mudug, waxaana shaqaaqadaas ku geeriyooday darwalkii gaari iyo ninkale oo la socday gaari. Sidoo kale weerarkan waxaa ku dhaawacmay qof kale, gaari la xabadeeyey ayaa ka tagay degmada Cadaado, waxa uuna ku sii jeeday degmada Hobyo. Dableyda dilka geysatay ayaa horey u qaatay […]

Continue Reading

Sawirro: Isbitaal laga hergaliyay deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug

Guddoomiyaha Hay’adda Horumarinta Mudug (MDO) Prof. Cabdirisaaq Axmed Dalmar, Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ee gobolka Mudug, dhaqaatiir, xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka xukuumada Somalia iyo masuuliyiin kale ayaa booqday degaanka Bandiiradley, iyagoo xariga ka jaray dhismaha Isbitaal cusub oo degaankaas laga hirgeliyey kaasoo si bilaash ah ugu adeegi doona bulshada degaanka. Isbitaalkan oo dhismihiisu […]

Continue Reading

Cadaado: Dahabshiil Group oo Deeq gaarsiiyey 200 Qoys (Sawirro)

Deeq ay bixisay shirkadda Dahabshiil Group ayaa maanta la gaarsiiyey qoysas ku nool magaalada Cadaado, deeqdan oo loo wakiishay guddiga abaarahada degmada Cadaado ayaa la waxaa ka faa’iideystay 200 qoys. Xarunta kafaalo ayaa lagu qeybiyey deeqdaan, waxaana maalmahaan dambe dadaal badan wadan guddiga gurmadaka abaaraha degmada Cadaado, iyagoo qeylo dhaan gaarsiiyey shirkada iyo bulshada ku […]

Continue Reading