Afhayeenkii Booliska Uganda oo la dilay (Sawirro)

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Afhayeenkii ciidanka Booliska dalka Ugandha Andrew Felix Kaweesi ayaa saaka lagu dilay magaalada Kambala ee caasimada dalkaas.
Andrew Felix Kaweesi ayaa lagu dilay meel ku dhow hoygiisa ka dib markii gaari uu la socday lagu furay rasaas arxan la’aan ah.

FB_IMG_1489754866394
Kooxaha weerarka geystay ayaa baxsaday, waxaana la dhintay afhayeenka darawalkiisa iyo dad kale oo la saarnaa gaarigiisa sida wararku sheegayaan.

FB_IMG_1489754862282
Ciidamada amaanka wadankaas ayaa goobta xiray, iyadoo dowlada wadanka Ugandha ay sheegtay in la baarayo weerarkan oo saaka si weyn looga hadal hayo guud ahaan wadankaas.