Xasan Sheekh Maxamuud oo u ambabaxay Turkiga (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo xubno kale oo saaxiibo dhow la ah Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay in uu  ku sii jeedo Dalka Turkiga oo ay degan yihiin Qoyskiisa. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho uu ku soo laabto mudo kooban kadib marka uu nasiino ku soo qaato Turkiga.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa 16-kii Febraayo ee sanadkan si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Madaxweynaha cusub ee 8-dii Febraayo lagu doortay magaalada Muqdisho.

17264351_10212259709704913_1024217921823550372_n 17309445_10212259708664887_6666725253690817778_n 17309709_10212259709664912_8615609486352502115_n 17351982_10212259708864892_7875485401116868429_n 17352242_10212259710944944_5979483862938224348_n 17352487_10212259709184900_3646643773779147809_n 17353490_10212259708824891_1619144847468541209_n 17362887_10212259710984945_9137920989653510223_nC7G23cQXkAALTQn C7G23cSXkAA4D7yC7G3BUnWkAA_zmk