31 Soomaali ah oo lagu diley duqeyn xeebaha dalka Yemen

Wararka Maanta

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee Apache ayaa duqeysay doon ay saarnaayeen qaxooti Soomaali ah oo ku sii jeeday dalka Sudan iyadoo ay ku dhinteen 31 ruux oo Soomaali ah.

Qaxootigan oo la sheegay inay haysteen dukumintiyo qaxootinimo oo ay siisay hay’ada Qaxootiga Adduunka UNHCR ayaa doontii ay saarnaayeen waxa ay mareysay marinka Bab Al-Mandab gaar ahaan halka ay kooxda mucaaradka Xuutiyiinta ay ka taliyaan.

Naaquudihii waday doonta oo magaciisa lagu sheegay Ibrahim Ali Zeyad ayaa sheegay in 80 ruux oo qaxooti ah ay ka badbaadeen duqeynta.

Lama yaqaan halka laga lahaa diyaaradan duqeynta geysatay hase yeeshee waxaa la tuhunsan yahay in boqortoyada Sacudi Carabiya ay haysato diyaaradaha Maraykanka lagu sameeyo ee Apache A-64.

Isbahaysiga ay hogaamiso boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa la sameeyay 2015kii iyagoo dagaal kula jira xoogaga Xuutiyiinta kuwaasoo daacad u ah Madaxweynihii hore ee Yemen Ali Abdullah Saleh.