Burcadbadeed Soomaali ah oo Afduubtay doon Ganacsi

Sida ay xaqiijiyeen Hay’adaha kor kala socda Afduubayadda ay geysanayaan Burcadbadeeda , waxaa Koox burcad Soomaali ah oo hubeysan ay Markii labaad dooni ganacsi kasoo Afduubteen Xeebaha dalka Yemen. Hay’adda Ganacsiga iyo ilaalinta Badaha ee dowladda Ingariiska ayaa sheegtay in doontaasi la Afduubtay Sabtigii ,islamarkaana lala aaday Xeebaha degaanada maamulka Puntland. Wararka Qaar ayaa sheegaya […]

Continue Reading

Wariye Coldoon oo 2 sano xabsi ah lagu xukumay

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo mudooyinkaan ku xirnaa magaalada Hargeysa ayaa saaka lasoo taagay Maxkamadda Hargeysa, waxaana  lagu xukumay laba sanno oo xarig ah. Maxkamadda ayaa Cabdi maalik ku eedeysay inuu ku xadgudbay madax banaanida Somaliland. Xarigga Coldoon ayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed u arkaan xad gudub ka dhan ah xuriyadda hadalka, Somaliland ayaa caan ku ah inay […]

Continue Reading

Xil. Mahad Cilmi:” Wasiir Juxa wuxuu Burburinayaa Galmudug”

Xildhibaan Mahad Cilmi Cali ayaa ku eedeyey wafdiga wasiirka arimaha gudaha Cabdi Faarax juxa inuu ku xadgudbay dastuurka dowlad goboleedka Galmudug. Xildhibaanka oo lasoo xariiray shabakadda Ceelhuur Online ayaa sheegay sidan:” Wasiirku wuxuu ku xadgudbay dastuurka Galmudug, kadib markii uu sheegay inuu dib u dhigista doorashada galmudug iyo dib u heshiisiinta ahlu sunno go’aan kala […]

Continue Reading

Dowlada & Galmudug oo heshiis ka gaaray Doorashada Galmudug

Shabakadda Ceelhuur Online ayaa heshay xogta shir muhiim ah oo caawa ay ku yeesheen Madaxtooyada Galmudug wafdi ka socda dowlada Federaalka iyo Gudiga doorashada Galmudug oo matalayey xildhibaanada Galmudug. Kulankan ayaa wax dhanka dowladda Federaalka uga qeybgalay Wasiirka arimaha gudaha DFS Cabdi Faarax Saciid Juxa, Wasiiru dowlaha Howlaha Guud DFS Axmed Cabdi Kaariye iyo xildhibaano. […]

Continue Reading

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka oo soo gaaray Cadaado

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa goordhow soo gaaray magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah Galmudug, wasiirka ayaa waxaa socdaalkii ku wehliya Wasiiru dowlaha Howlaha Guul Axmed Cabdi Kaariye, iyo Xubno labada Aqal barlamaanka Federaalka. Madaxda Galmudug ayaa wafdigan ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cadaado, waxaana loo galbiyey Xarunta Madaxtooyada […]

Continue Reading

Maraykanka oo Gantaalo ku duqeeyey Suuriya (Sawirro)

Mareykanka ayaa weerar milateri ku qaaday Suuriya waaberigii saaka oo Jimco ah. Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegay in 59 gantaal oo nooca Tomahowk lagu garaacay saldhig milateri oo uu leeyahay ciidanka Suuriya. Afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay in gantaalahan lala beegsaday Diyaarado, Goobo diyaaradaha lagu xareeyo oo aad loo ilaaliyo, Goobo Shidaalka iyo qalabka […]

Continue Reading

Galmudug:” Dowladu waa in ay joojisaa Faragalinta doorashada Galmudug”

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamulka Galmudug Maxamed Keynaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqay in ay fara gelinta ka deyso howlaha Doorashada Madaxweynaha Galmudug. Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in Dowladda Dhexe aysan xaq u laheyn in ay fara gelin toos ah ku sameyso howlaha ka socda Magaalada Cadaado ee Doorashada ah. Waxa […]

Continue Reading

Sawirro: Tartan aqooneedka Dugsiga Hoose/Dhexe Cumar Alfaaruuq oo la soo gabangabeeyey

Dugsiga Hoose/Dhexe ee Cumar Alfaaruuq ee magaalada Cadaado ayaa lagu soo gabangabeeyey tartan aqooneedka sanad dugsiyeedkan 2016/2017, waxaana ugu dambeyn ku tartamay Fasalada Sideedaad Iyo Lixaad Waxaana Guuleystay Sideedaad, waxaana Tartankan  Socday Mudo Ka Badan Todobo Bilood. Munaasabadda gabangabeynta tartankan ayaa waxaa Furay Madaxa Waxbarashada Degmada Cadaado Mudane Xasan Calas Qaareey, Waxaa Intii  ay Socotay Lagu Soo Bandhigay […]

Continue Reading