Maraykanka oo Gantaalo ku duqeeyey Suuriya (Sawirro)

Uncategorized Wararka Dibadda Wararka Maanta

Mareykanka ayaa weerar milateri ku qaaday Suuriya waaberigii saaka oo Jimco ah. Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegay in 59 gantaal oo nooca Tomahowk lagu garaacay saldhig milateri oo uu leeyahay ciidanka Suuriya.
Afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay in gantaalahan lala beegsaday Diyaarado, Goobo diyaaradaha lagu xareeyo oo aad loo ilaaliyo, Goobo Shidaalka iyo qalabka Logistikada lagu keydiyo, Bakhaarro hub iyo qalabka difaaca cirka iyo raadaarro. Saldhigga la weeraray waxaa lagu magacaabaa “Shiceyraat” waxa uuna u dhowyahay magaalada Xims.

Weerarkan gantaalaha ee Mareykanku ku qaaday Suuriya ayaa Jawaab u ah duqeyn Hubka Kiimikada loo adeegsday oo ciidammada Bashaar Alasad ku laayeen dad rayid ah, taas oo caalamka oo dhami aad uga naxay.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shalay sheegay in nidaamka Suuriya uu galay dambi weyn oo ay tahay in jawaab uun laga bixiyo.

Gantaalada Maraykanku duqeyntaa u adeegsaday ee lagu magacaaboTomahowk ayaa halkii xabo qiimihiisu garayaa 1.5 Milyan oo dollar, waana gantaal ridada fog.C8yxrqmUQAAkVg-3F07EA8D00000578-4388834-image-m-11_1491547689943 3F064BBE00000578-4388834-image-m-47_1491534390091 3F078D9B00000578-4388834-image-a-1_1491540684376 3F085BA700000578-4388834-image-m-11_1491552694487 3F0741F700000578-4388834-image-a-7_1491536739342 3F08212B00000578-4388834-image-m-35_1491550877901 3F06110500000578-4388834-image-a-26_1491549096963 3F08471000000578-4388834-image-m-16_1491553044618