Burcadbadeed Soomaali ah oo Afduubtay doon Ganacsi

Wararka Maanta

Sida ay xaqiijiyeen Hay’adaha kor kala socda Afduubayadda ay geysanayaan Burcadbadeeda , waxaa Koox burcad Soomaali ah oo hubeysan ay Markii labaad dooni ganacsi kasoo Afduubteen Xeebaha dalka Yemen.

Hay’adda Ganacsiga iyo ilaalinta Badaha ee dowladda Ingariiska ayaa sheegtay in doontaasi la Afduubtay Sabtigii ,islamarkaana lala aaday Xeebaha degaanada maamulka Puntland.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in doonidaasi la geeyay Degaano ku dhow degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Taliyaha Ciidamada Midowga Yurub ee Joogga ee Xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka War heleen Afduubka loo geystay doonidaasi ,islamarkaana ay waddaan howlgallo ay kusoo badbaadinayaan.

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si deg deg ah wax looga qabto Falalka kooxaha Burcabadeeda Soomalida ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya.

Madaxa Laanta Qaramada Midoobey u qaabilsan La-dagaalanka Daroogadda iyo Dambiyadda ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dalalka caalamka ay u soo jeestaan Qatarta ka dilaacday Soomaaliya.

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa soo laabtay bilihii lasoo dhaafay waxaana hadda gacantooda ku jira doomo Ganacsi.

Sanadkaan Gudihiisa ayaa waxa ay geysteen Afduubyo kala duwan waxaana ka mid ah Afduubkii ay ugu geysteen Markabkii ARIS 13 ee degmada Calluula ee gobolka Bari.