Dhageyso: Xildhibaan C/raxmaan Odawaa oo ka hadlay Wadahadalada Galmudug iyo Ahlu sunno

Wasiirkii hore arimaha gudaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo wareysi siiyey idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayuu kaga hadlay wada hadalada la filayo in saacadaha soo socda Muqdisho uga furmaan Dowlad goboleedka Galmudug iyo Maamulka Ahlu sunno. Xildhibaanka ayaa kula dardaarmay in labada dhinac la yimaadaan tanaasul, lagana faa’iideysto fursadda la heysto, Hindisaha ay […]

Continue Reading

Sawirro: Gudoomiyaha cusub gobolka Banaadir oo xilka la wareegay

Munaasabadan oo uu Xilka Kula wareegayey Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabit cabdi Maxamed ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ra’isul wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiiro, Xildhibaano, Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir, iyo Marti sharaf kale. Munaasabadan ayaa ka dhacday  Aqalka dowlada Hoose ee Xamar, Masuuliyiinta kala duwaneed ee munaasabada ka […]

Continue Reading

Wafdi ka socda Ahlu sunno oo Muqdisho Ku wajahan

Wafdi ka socda Ururka Ahlusunna ee gobolada dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in ay maanta  gaaraan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan Wadahadalada dowlad goboleedka Galmudug iyo Ahlu sunno uga furmaya Muqdisho. Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya Madaxweynaha maamulka Ahlu sunno Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Mas’uuliyiinta Ahlusunna  ayaa  ka qeyb galay Wadahadalada labada dhinac. Ururka […]

Continue Reading

Sawirro: Guddiga Gurmadka Abaaraha Cadaado oo dhaqaale ururin sameeyey

Munaasabad dhaqaale loogu aruurinayo dadka abaartu saameysay ayaa xalay ka dhacday degmada Cadaado. Munaasabadan ayaa waxaa soo agaasimay Gudiga Gurmadka Abaaraha degmada Cadaado, waxaana kasoo qeyb galay masuuliyiin iyo waxgaradka degmada Cadaado. Gudiga ayaa sheegay in 104,000 dollar oo ay ka heleen dibada iyo gudaha ay raashin iyo biyo dhaamin ugu sameeyeen bulshada ku dhaqan […]

Continue Reading

Sawirro: Madaxweynaha oo Warqadihii Aqoonsiga ka gudoomiyey Danjiraha Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Shiinaha u fadhin doona Soomaaliya. Danjarinahan cusub oo lagu magacaabo Qin Jian ayaa badalaya danjirihii hore shiinaha Warsame Geeljire. Shiinaha ayaa xariir fiican kala dhaxeeyaa dalkeena Soomaaliya, waxaana la filayaa in ay mashaariic waaweyn dalka ka fuliyaan.

Continue Reading

Sawirro: Shirka DFS iyo maamul goboleedyada oo Muqdisho ka Furmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa furey shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka. Shirka waxaa goob joog ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana inta uu socda looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexe dowladda Federaalka […]

Continue Reading

Sawirro: Layrarka Cadceedda oo laga hirgaliyey Godinlabe

Layrka cadceeda ku shaqeeyaa oo laga hirgaliyay  magaalada Godinlabe gobolka Galgaduud. Mashruucan waxaa maalgaliyay Hay’ada NIC ee Dalka Norway , waxaana kaalin wayn gaystay inuu Godinlabe soo gaaro Wasiirkii hore Arimaha gudaha  xildhibaan Cabduraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa. Wasiir Odawaa oo August 2016 booqday Godinlabe ayey bulshadu ka codsadeen Layrarka Cadceedu ku shaqeeya, waxaana maanta suurtagalay […]

Continue Reading

Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Dhuusomareeb

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa magaaladaasi ay intoo badneyd isaga baxeen. Ciidamada oo wata gawaari xambaarsan taangiyo iyo gawaari ciidan oo kale ayaa dhaafay degmada Guriceel, waxaana u gudbeen dhanka xadka itoobiya. Ciidamad Itoobiya ayaa horey uga baxay degmada Ceelbuur oo ay muddo […]

Continue Reading

Maraykanka oo ciidamo u soo diray Soomaaliya

Saraakiil Maryakan ah ayaa warbaahinta dalkaas u sheegay in ciidamo Maraykanka la geeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si ay tababar u siiyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Tiro kooban oo ciidamo ah ayaa 2-dii bishan ka dagay magaalada Muqdisho, waxaana saraakiishu sheegeen in tagista ciidankaasi ay codsatay dowladda Soomaaliya. Hore waxaa u joogay ciidan […]

Continue Reading