Sawirro: Layrarka Cadceedda oo laga hirgaliyey Godinlabe

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Layrka cadceeda ku shaqeeyaa oo laga hirgaliyay  magaalada Godinlabe gobolka Galgaduud.

Mashruucan waxaa maalgaliyay Hay’ada NIC ee Dalka Norway , waxaana kaalin wayn gaystay inuu Godinlabe soo gaaro Wasiirkii hore Arimaha gudaha  xildhibaan Cabduraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

Wasiir Odawaa oo August 2016 booqday Godinlabe ayey bulshadu ka codsadeen Layrarka Cadceedu ku shaqeeya, waxaana maanta suurtagalay balanqaadkii wasiirka.
Godoomiyaha Godinlabe  Cabdi Yare Macalin Qase ayaa ugu baaqay bulshada degaanka inay ilaashadaan layrarkaan oo uu sheegay inuu yahay Hanti guud.

Tirada Layrarkaan ayaa gaaraya 30 xabo, waxaana Nalalkaan sara u qaadayaan bilicda iyo ganacsiga magaalada.

FB_IMG_1492201255063 FB_IMG_1492201117780 FB_IMG_1492201113332 FB_IMG_1492201106270 FB_IMG_1492201102616