Munaasabad dhaqaale loogu aruurinayo dadka abaartu saameysay ayaa xalay ka dhacday degmada Cadaado.
Munaasabadan ayaa waxaa soo agaasimay Gudiga Gurmadka Abaaraha degmada Cadaado, waxaana kasoo qeyb galay masuuliyiin iyo waxgaradka degmada Cadaado.
Gudiga ayaa sheegay in 104,000 dollar oo ay ka heleen dibada iyo gudaha ay raashin iyo biyo dhaamin ugu sameeyeen bulshada ku dhaqan Cadaado, Hobyo, Baxdo, Docoley, Godinlabe, Xinlabi, Camaara, Ceelhuur iyo deegaano kale.
Guddiga ayaa sheegay in dadka ku dhaqan deegaanadaas ay wali u baahan yihiin gurmad deg deg ah, waxaana mubaasabadii xalay lagu aruuriyey lacag kor u dhaafaysa 3000 dollar.
Hadii aad doonayso inaad ka qeyb qaato fadlan ciwaanadan hoose ugu hagaaji:
SALAAM BANK
Acc No 31410606
EVC 0619388887
GUDIGA ABAARAHA CADAADO