Jadwalka cusub ee Doorashada Koofur Galbeed

Guddiga doorashadda Madaxweynaimadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay Jadwalka doorashada Madaxweynaha maamulkaas. Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed  ayaa jadwalka doorashada u dhigay sidan: Diiwan galinta musharaxiinta Waa 22-23/11/2018 Is xog wareyisiga guddiga doorashada 24/11/2018 Hadal jeedinta musharaxiinta  25/11/2018 Diyaarinta iyo Kormeerka goobta doorashada 26-27/11/2018 Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed 28/11/2018.   Olalaha Musharixiinta ayaa aad […]

Continue Reading

Duqeyn Diyaaradeed oo Maalintii 3-aad ka socota Koofurta Mudug

Waxaa maalintii saddexaad ka socota koofurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanada ku hareeraysan Magaalada Caad , duqeymo ay geeysanayaan diyaaradaha Maraykanka. Diyaaradaha ayaa beegsanaya saldhigyada alshabaab ku leeyihiin deegaanada ku hareeraysan Caad oo waqooyi uga beegan degmada Xarardheere gobolka Mudug. Sidoo kale diyaaradaha ayaa duqeyey gaadiid iyo gaari dameero loogu gurmanayey Alshabaabka waxyeeladu gaartay. Duqeymihii […]

Continue Reading

Dhalinyaro Xabsigoodii Dhameystey oo Waalidiintooda Codsi u Direy Dowlada Federaalka

Iyadoo Dhalinyaro fara badan oo Soomaaliyeed ay ku xiran yihiin Xabsiyo ku yaala Daafaha  Dunida qaarkoodna ay soo deysey Dowladda Federaalka  ayaa Waalidiin Soomaaliyeed waxay Dowladda Federaalka ay ka Codsanayaan in  Xabsiga laga soo daayo Shan Dhalinyaro ah oo Sagaal sano soo dhameystey Xabsi ku yaala Dalka Tansaaniya gaar ahaan Magaalada Mutawara, kaasoo ugu ekaa Bishi Juun ee […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyey ee Duqeyntii Caad

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradaha dagaalka deegaano ku hareeraysan Caad degmada Xarardheere gobolka Mudug. Howlgalka Maraykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegtay in diyaaradaha Maraykanku fuliyeen duqeyntaas. Waxayna intaa ku dareen in ay ku dileen 37 ka mid ah ciidanka Alshabaab. Warbixinta ayaa intaa ku daraysa in laba duqeymood diyaaraduhu halkaa […]

Continue Reading

Faafaahin: Diyaarado duqeeyey koofurta Mudug.

Waxaa faafaahin dheeraad ah kasoo baxayaan diyaarado duqeeyey deegaano hoostaga deegaanka Caad ee degmada Xarardheere koofurta gobolka Mudug. Diyaaradaha ayaa duqeeyey laba saldhig oo ay Alshabaab ku lahaayeen heeraraha Caad, waxaa shalay galab 5:00 PM diyaarad dhowr gantaal la beegsatay xero ciidan deegaanka Maamiye, xiliga ay duqeyntaas dhaceysay ayaa la sheegay in saraakiil ka tirsan […]

Continue Reading

Madaxweynaha Galmudug Axmed Baasto oo u safray Muqdisho (Video)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Maxamuud Xasan Baasto ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Muqdisho, waa safarkiisii ugu horeeyey ee uu ku aado Muqdisho tan iyo markii xildhibaanada Galmudug u doorteen Hoggaanka Galmudug. Axmed Baasto ayaa waxaa garoonka ku sagootiyey gudoomiye ku xigeen Barlamaanka Galmudug, wasiiro iyo xildhibaano. halkaan ka daawo Muuqaalka

Continue Reading

Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynihii hore Soomaaliya ahna gudoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo xarunta kumeelgaarka Dowlad goboleedka Jubbaland. Madaxweyne Xasan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiin kale, Xasan Sheekh ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliya xubno ka tirsan xisbigiisa. […]

Continue Reading

Jubbaland: Xukun dil ah oo lagu fuliyey Askari horey u dilay Nabaddoon (Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi oo katirsanaa ciidanka Daraawiishka Jubbaland, kaas oo 27-dii bishii October ee sanadkaan ku dilay magaalada Kismaayo Nabadoon Xassan Goolo oo kamid ahaa Odeyaasha dhaqanka Jubbaland. Maxkamadda ayaa 6-dii bishaan November ridday xukunka dilka ah ee qisaasta Nabadoonka, laguna riday eedaysane Cabdirisaaq Cumar […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga. Madaxweynaha iyo madaxda dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadli doona dib u xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac […]

Continue Reading