MD Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay safiirka Maraykanka

‪Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Donald Yukio Yamamoto. Danjiraha sucub mudane Yamamoto ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha […]

Continue Reading

Ciidamada Ahlu Sunna iyo Alshabaab oo ku dagaalamay Galgaduud

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday fariisin ciidanka Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Goolo goonle oo qiyaastii 80 km koofur uga beegan degmada Guriceel gobolka Galgaduud. ciidanka Alshabaab ayaa xalay saqdhexe soo galay deegaanka kadib markii ay ka war heleen ciidamada Ahlu sunna oo ku wajahnaa deegaankaas. Dagaalka oo waqti kooban socday ayaa […]

Continue Reading

MD Axmed Baasto oo ka hadlay Arinta Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Video)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Maxamuud Xasan Baasto ayaa ka hadlay arinta nin reer Galmudug oo Maxkamad ku taala Puntland ku xukuntay dil toogasho ah. Madaxweynaha ayaa Maamulka Puntland ka dalbaday in ay kusoo wareejiyana muwaadinkan, sida haddii uu dambi leeyahay lagu qaado, hadii kalena xoriyaddiisa la siiyo. Ninkan ayaa lagu magacaabaa Cabdirisaaq Xuseen Tahliil […]

Continue Reading

USAID oo 5 Milyan Dollar ku taageeraysa Waxbarashada Gabadhaha Soomaaliya

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre iyo madaxa hay’adda DFID ee Soomaaliya Phil Evans ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday shan milyan oo dollar oo lagu tageerayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, gabdhaha. Shantan milyan ee dollar ayaa waxaa bixineysa  hay’adda USAID ee laga lee yahay dalka Mareykanka, waxana heshiiska goob joog ka […]

Continue Reading

MD Farmaajo oo soo dhoweeyay cunaqabateynta laga qaaday Eriteriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii saarneyd looga qaaday Eriteriya. Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee saarneyd Eriteriya looga qaaday dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen,isagoona u mahad celiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. “Waxaan soo dhaweyneynaa hubka iyo bartilmaameedyada kale ee […]

Continue Reading

Khilaaf soo kala dhax galay Abaanduulaha iyo Saraakisha XDS oo sababay…

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah Khilaaf soo kala dhexgalay Abaanduulaha ciidanka Xooga dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiishii ciidanka Xoogga dalka ee aagga jilib Marka iyo Gendershe ayaa sababay in alshabaab ay dib u qabsadaan Jilib Marka iyo Gandarshe, oo ciidanku xoogga dalku xoreeyeen 18 September 2018. Jeneraal Odawaa ayaa la sheegay […]

Continue Reading

Madaxda Galmudug oo ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka Joojinta Colaadii Balanbale (Video)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Maxamuud Xasan Baasto iyo Gudoomiye ku xigeenka 1aad Barlamaanka Galmudug Cabdullaahi Xersi Maxmed ayaa bogaadiyey Dowrka ciidamada Qaranku ka geysteen joojinta colaadii maalmahan ka aloosneyd deegaano hoostaga degmada Balanbale gobolka Galgaduud. Shalay ayey aheyd markii ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidanka NISA ay u dhaqaaqeen goobihii lagu dagaalamay, iyagoo ku guuleystay […]

Continue Reading

SEMG: Bariire waxaa lagu dilay dad rayid ah (Warbixin)

Kooxda la socodka cuntaqabeynta hubka Soomaaliya iyo Erateriya ayaa soo saartay warbixin sanadeedka 2018, waxayna soo saartay warbixin ka kooban 47 bog. Warbixintaan oo ku qoran Ingiriis ayaa ka hadlay baaritaano ay ku sameeyeen sida hubku kusoo galo Soomaaliya, dhibaatada Alshabaab, shacabka dhibaatadu kasoo gaarto duqeynta diyaaradaha Maraykanka. Bogga 38-aad ee warbixintan ayaa si gaar […]

Continue Reading

Aqoon isweydaarsiga Sannadlaha Afraad ee Cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2018) oo ka Furmay Muqdisho

Waxaa maanta oo Taariikhdu ku beegan tahay 13 November furmay Aqoon isweydaarsiga sannadlaha afraad ee cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2018), oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed, oo magaciisa loo soo gaabiyo (ISOS), oo hoos taga Jaamacadda Muqdisho. Aqoon isweydaarsigan oo socon doona muddo saadex maalmood ah, waxaa ka soo qayb galay aqoonyahanno iyo cilmi baarayaal ka tirsan jaamacadaha […]

Continue Reading