Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in xalay fiidkii ay koox ku hubaysan qoryaha AK 47 weerar ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Chakama oo ku taala count-ga Kilifi, oo 80 km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Milindi.
Kooxda weerarka soo qaaday ayaa rasaas aan kala sooc lahayn ku furay dadkii goobta joogay, iyagoo shan qof dhaawacay.
Waxay sidoo goobta ka afduubteen Milele Onlus oo ah haweenay u dhalatay dalka Talyaaniga islamarkaana u shaqaynaysay urur aan dowlo ahayn oo halkaasi ka hawlgala.
Dadkii weerarkaasi ku dhaawacmay ayaa sida la sheegay lagu daawaynayaa hospitaalka magaalada.
Xigasho: VOA