Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Kismaayo (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynihii hore Soomaaliya ahna gudoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo xarunta kumeelgaarka Dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiin kale, Xasan Sheekh ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliya xubno ka tirsan xisbigiisa.

Xasan ayaa Kismaayo waxaa uga bilowday safar uu ku tagi doono gobolada, isagoo booqan doona magaalooyin dhowr ah.

Booqashada Xasan sheekh ee Kismaayo ayaa ku soo aadaysa iyadoo khilaaf xooggan ka dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo Dowlad goboleedyada.