Askari Shabaab ah oo isku soo dhiibay Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tursan ciidanka Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka NISA Qeybta Galmudug, waxaa isku soo dhiibay Askari ka tirsan Xarakada Alshabaab.

Askarigaan ayaa kasoo goostay degmada Xarardheere, wuxuuna markii hore lasoo fakaday gaari tikniko ah, inkasta oo dhex kaga halaabay, halkaas oo Alshabaab dib u kaxeysteen gaariga, laakiin uu kasoo fakaday isagu. Ciidamada NISA oo galabta ka baxay Cadaado ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan Askarigaan.

Nooma suurtagalin inaan helno magaca Askarigaan oo caawa la keenay degmada Cadaado, waxaana la filayaa in beri loo soo bandhigo saxaafadda. Ninkaan soo fakaday ayaa kasoo jeeda gobolka Baay.