Wasiirka warfaafinta maamulka Soomaaliland Cismaan Cabdullaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa sheegay in Soomaaliland ay aad uga xuntahay weerarkii Al-Shabaab ay dhawaan ku qaadeen fariisinka ciidamada Puntland ee deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari.
Wasiirka ayaa sheegay in falkaas uu yahay wax laga xumaado kaas oo lagu laayay dad Shacab ah oo aan waxba galabsan sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in dhibaatada ay geestaan Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish ay markasta ka soo horjeedan islamarkaana ay cambaareynayaan.
Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in Hawada Soomaaliland ay iyada u madax banaan tahay in ay maamusho islamarkaana cid alaala cidii ku soo dhiirada wixii ay la kulanto aysan masuul ka aheyn.