XAFIIS MISE XABSI?.. W/Q: Wariye C/Naasir

Wararka Maanta

FB_IMG_1495486158725

XAFIIS MISE XABSI
Aqri Walaal Qormadan ka dibna Faallo ka bixi
……….. ….. ……………. …………………

Waxaan Aniga iyo Saaxiibo badan Tagney Saakey 9:00Am Subaxnimo Xafiiska Raisul wasaraha Soomaaliya Kadib Markii nalagu Casuumey Shir uu qaban lahaa Raisul wasaare Xasan Cali Kheyre

Waxaan nalagu Soo dhaweeyey Qol Ay taallo 5 kursi Anaga waxa aan aheyn 30 Suxufi oo Hay’ado kal duwan ka kala socda

Lix gabdhood ayaa nala Socdey iyaga ayaan Fadhisiney Kuraastii Waxan ogaa in Laba ay hal kursi kuwada fadhiyeen Kursi la’aanta Malaha jirtey 24 Rag ah ayaan ku taagneyn Gidaarka Qolka aan ku jrney ayey Qaarkeen daal dartii Cuksanayeen si ay nafis un uga helaan Maadaama Saacado badan la taagan yahay Mararka qaar Gabdhuhu waxey damcayeen in kuraasta nooga kacaan laakiin ma aan ogolaanin

Saacadu waxey Socotaba Waxaa la gaarey 12:30Pm Duhurnimo Weli shirkii aan u imaaney ma dhicin Dhalinyaro ka shaqeysa Xafiiska Raisulwasaaraha Qeybta Warbaahinta oo aan dareemayey in howshan aysan u tababarneyn ayaan Weydiiney Waxa shirka Hortaagan Hadba war ayey inoo sheegeen oo kala duwan Mid baan ka xusuustaa in uu igu yiri Raisul wasaraha ayaan uwada raaceynaa Kormeer uu Sameynayo

Askari Dhar milateri iyo Dacas Kuus kuusan wata Malaha dhafar iyo Caro badan ka muuqata ayaa inoo yimid Wuxuu nagu yiri ” Hadaan Madaxweyne Ama Raisul wasaare ahaan lahaa Walaahi saxaafada dhamaantiin Xabsi ayaan idinku guri lahaa Sababto ah istaahilkiina ayaa sidaas ah” ogow Askarigaasi isma naqaano Maanta ayaa isku keen horeysa

Laakiin Warkiisa Iyo dhiiranaantiisa Waxaan is iri Tolow Ma warbaahinta ayaa Xafiiska Raisul wasaaraha lagala Dagaashan yahay Oo askarigu Wuu miir hadlayaa Haddii Askrigu Qori wadan lahaa Malaha Xaalku sidaa ma sii ahaadeen

Salaadii Duhur ayaan tukaney Gabdhihii wariyasha ee nala Socdey Sali ay heleen ayey fadhiisteen si wiilasha ay xoogaa kuraasta ufadhiyaan

Waxaa laga gaarey 1:30 Duhurnimo Weli howshu Waa sidii wax isbadal ah ma jiro Qaarkeen Markaaan Waxey qaateen Go’aan ay xoogaa naftooda ku mashquuliyaan Sida Sawirka idinkaga Muuqata Labo labo iyo hal hal ayaa loo mashquuley

Saaxiibada Qaar waxa ay waceen Maamuladooda Xafiisyada Waxa ay usheegeen Sida ay wax udhacayaan Qaarkood waxaa la siiyey Go’aano ah in ay iskaga soo tagaan

Waxaan Xusuusta in Wiil wariye ah uu nin Askari ah oo ilaalada Xafiiska Raisulwasaraha ka mid aha uu weydiiyey in Maqaayad Ama jiko la helayo Waxaan maqlayey Isaga oo leh Mana aan soo quraacan mana qadeynin Ee Maqaayad ma la helayaa Nasiib daro ma helin Wixii uu raadinayey Mar uu damcey in uu Banaanka aadana waxaa lo sheegay in uusan soo laabaneynin

Mar ay tahay 2:00pm Duhurnimo ayaan Ninki asxaabta ugu weynaa Soo jeediyey talo ah in aan iskaga soo tagno oo aan Xafiisyadeena ku laabano Maadama aanan ixtiraam soo dhaweyn xitaa kuraas aan ku fadhiisano aanan heysan Welibaa Waqti badan nooga baxey in aan Sugno howl aan suurto galba jirin

Aniga Shaqsi Ahaan waxaa shaki iga galey in aan joogo Xafiiska Raisulwasaraha Dalka Sababto ah Dhaqanka halkan yaalla Nolosheyda kulama aan Kulmin Xabsiga dhexe dhowr jeer oo an shaqo utagey

Markii Dambe Waxaan qaadaney Go’aan ah in aan iskaga Soo tagney Waana Ka soo tagney Mar aan Soo baxney Ayey dhalinyaro isku deyday in ay Wax xaliyaan laakiin Ma suurto gelin

Maxaa Sabab u ah Waxa dhacey

1 Dadka Shaqada loo dhiibey uma diyaarsana umana tababarna

2 Ma jiro iska warqab Guud oo Qeybaha Xafiiska Raisul wasaaraha Tusaalen Maanta in aan Saacadahaas Sugeynay Maba Ogeyn Raisul wasaaruhu

3 Waqti aad uga horeyo Waqtigii loogu tala galey in shaqada la qabto ayaa loo yeeray Cidii Shaqada Qaban laheyd

Xalka

Wuxuu ku jiraa In Wixii qaldan la saxo Dadka Shaqada loo dhiibayana laga Eego Aqoonta ay uleedahay

MAHADSANIDIIN