Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay booqasho ku tagay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, booqashadan oo saddex cisho ah ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehliya Marwada kowaad dalka iyo Wasiiro.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa Maanta si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Farmaajo Qasriga Madaxtooyada, waxaana uu Madaxweyne Maxamed salaan ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka Qaranka Kenya.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona ganacsiga, qaxootiga, dal ku galka(Visa), iyo dhibaatada dadka Soomaaliyeed ku qabaan duulimaadyada sii mara wajeer. Mr. Farmaajo ayaa kenya uga qeyb galaya shirka urur goboleedka IGAD.
Waa safarkii labaad ee Maxamed Cabdullaahi Madaxweynaha Soomaaliya ku tago dib kadib doorashadiisa 8 Feberaayo 2017.