Daawo Sawirradda: Todobaadka Dhaqanka iyo Hiddaha oo lagu qabtay Godinlabe

Arimaha Bulshada Dhaqanka Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Godinbale ee Gobolka Galgaduud waxaa Todobaadkaa lagu qabtay Bandhiga Hiddaha iyo Dhaqanka, Barnaamijkaan ayaa waxaa Maalgaliyay Sakariye Shariif Caweer oo kamid ah Diplumaasiyiinta Safaaradda Somalia ee Dalka Sudan, waxaa ka qayb galay , Masuuliyin ka tirsan Maamulka Galmudug, Maamulka Degamada, Dadwayne iskaga kala yimid qaar kamid ah Degmooyinka Galmudug.

Bandhigaan oo ahaa kii ugu horeeyay ee lagu qabto Deeganada Galmudug, waxaa lagu soo bandhigay Ciyaaro, Cuntooyin iyo Dharka Somalida Caanku tahay ee Hidaha iyo Dhanka, waxaa aad u soo dhawayay Bulshada Galmudug garaahaan kuwa Magaalada lagu qabtay ee Godinlabe iyo Maamulkooda kuwaas oo si wayn ugu Mahadceliyay Sakariye oo kamid ah Dhalinyaradii Bilowgooda Degaanka wax ku bartay.

Dunida Dalkastaahi waxuu leeyahay Hiddo iyo dhaqan u gaar ah, Somalia oo kamid ah Dalalka Hiddaha iyo dhaqanka qor xuun Caalamka ayaase Burburkii Dowladdii dhexe kadib waa mesha kasibaxaya Dhaqankii iyo Hiddibii Caan aha balse qabashada Bandhigyada caynkaan ah ayaa dhawaanahaan lagu la doonayay i  dib loogu soo nooleyo Hiddaha iyo Dhankeena sii dhamanaya.

Hoos ka daawo Sawirrad