Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay Kulan lagu Nabadeyno Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Taliyaha Xoogda dalka , Taliyaha ciidamada Puntland ayaa maanta kulan la qaatay waxgaradka iyo culamaa’udiinka kasoo jeeda gobolka mudug waxa ayna kala hadleyn sidii loo soo afjari lahaa colaadaha kusoo laalaabtay Galkacyo, Iyo in la furo wadooyinka Xiran.

Madaxweynaha ayaa Bulshada Galkacyo kula dardaarmay in ay aan loo baahneyn colaad dambe, deg degna loo furo Wadooyinka, Waxgaradka goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyey nabadeynta Galkacyo. Magaaladan ayaa waxa ay u qeybsan tahay laba dhinac oo ay kala maamulaan Galmudug iyo Puntland. Sanadihii ugu dambeeyey ayaa Galkacyo waxaa ka dhacay colaado khasaare geystay. Beesha caalamka iyo dowladda federaalka ayaa gacan ka geysana sidii loo nabadeyn lahaa Galkacyo, waxaana dhawaan la dhisay ciidan boolis isku dhaf ah.