Antoine Griezmann Oo Seegi Doono Kulanka Madrid Derby

Ciyaaraha

 

TOPSHOT - Atletico Madrid's French forward Antoine Griezmann celebrates scoring during the UEFA Champions League semi-final, second-leg football match between FC Bayern Munich and Atletico Madrid in Munich, southern Germany, on May 3, 2016. / AFP / LUKAS BARTH        (Photo credit should read LUKAS BARTH/AFP/Getty Images)

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa lagu soo waramayaa inuu seegi doono kulanka  La Liga todobaadka soo socda ee ay la ciyaarayaan kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid ka dib  dhaawac canqowga ah oo soo gaaray.

25-sano jirkaan ayaa kulankii isreebreebka koobka adduunka ee France la ciyaareen Sweden habeenkii jimcaha oo waxaa la fahamsan yahay inuu si xun ay u bararsantahay cagtiisa.

Marca ayaa sheegtay in madax caafimaad Atletico ay warbixin ku Xaqiijiyeen in cabsi wayn ay kooxda ka qabto, iyadoo ciyaaryahanka uu muhiim u ayahay.

Griezmann ayaa ku soo bilowday  dhamaan 10 kulan oo horyaalka ah kooxda Rojiblancos ‘xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay lix gool , laakiin Diego Simeone ayaa hada xiddiga weerarka ka maqnaan doonaa marka ay soo booqaneyso Madrid  Vicente Calderon Sabtida fiidkii.

W\D Hafsa Haaji

Comments are closed.