Jose Mourinho Oo Aan Hubin Mudada Uu Maqnaanaayo Paul Pogba

Ciyaaraha

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa qirtay inuu weli ku jiro mugdi uu ku jiro mudada uu maqnaanaayo Paul Pogba, laakiin wuxuu xaqiijiyay in ciyaaryahanka khadka dhexe uu si rasmi ah u seegi doono kulanka isbuucaan ee Everton.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa dhaawac jilibka ah kasoo gaaray qeybtii hore ee kulankii Red Devils ay 3-0 kaga badisay Basel kulankii ka dhacay Old Trafford habeenkii Arbacada, taasoo keentay inuu ka cabsi qabo inuu wajahayo wax ka badan hal bil.

Pogba ayaa u muuqday inuu yareenaayo walaaca laga qabo dhaawaciisa markii uu bartiisa  Instagram Khamiistii kusoo qoray “wax walba way hagaagi doonaan”, laakiin Mourinho ayaa wali sugaya natiijada baaritaanka dhaawaca.

Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inuu Pogba mas’uul ka yahay dhaawaca soo gaaray bartamihii Isbuuca isaga oo diidey inuu raaco talada kooxda.

W/Q Hafsa haji