Maraykanka oo Cabsi ka halka uu ku baxo dhaqaalaha uu siiyo DFS

Wararka Maanta

Wasaarada Arrimaha Dibbada Maraykanka qeybteeda u qaabilsan Afrika ayaa  ka walwalsan in dhaqaalaha la siiyo dowlad  Soomaaliya inay u wareegto ururka Al-Shabaab.

Laanta dabagalka Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa walaacan muujisay iyadoo sarkaal ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa waxaa uu sheegay in inaysan sameyn siyaasad iyo qorshe qiimeyn loogu sameeyo  halista ah in dhaqaalaha Maraykanka uu bixiyo uu gacanta u galo ururka argagaxisad ah ee Al-Shabaab.

Warbixin ay soo saartay dowlada Maraykanka ayaa  lagu sheegay in toddobadii sano ee ugu dambeysay ay ku taageereen ciidamada Milatariga ee Soomaaliya lacag gaareysa $66 million oo dollar.

Sidoo kale Baryaashan ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in lacagtaas qeyb ka mid ah ay si dadban ku gaartay  Al-shabaab,Balse aan la ogeyn abka ay ku baxday lacagtaas.

Baarayaashaan waxay tilmaameen inay suurtagal tahay in Al-Shabaab gacanta u gashay qeyb kamid ah dhaqaale loogu talo galay illaa 6,509 askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya.

Dowlada mareykanka ayaa sheegtay inay il gaarka u yeelan doono gar-gaarka ay siiso Dowlada Soomaaliya,maadaama ay ka cabsi qabaan in dhaqaalaha ay soo dhiibaan Mareykanka loo Gacan geliyo Dagaalamayaasha Al-Shaabaab.

Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa  waxaa ay  warbixin ay caalamka ka soo saartay sanadkii 2016 ku sheegtay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay xadgudub ku sameeyeen dadka rayidka ah.