Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka qarxay deegaano ka tirsan Mudug

Wararka Maanta

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labo maleeshiyo beeleed ku dhex maray deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa ka dhacay tuulo ku dhow deegaanka Af barwaaqo oo dhacda bariga gobolka Mudug, iyadoo la soo sheegayo in ku dhowaad 10 ruux ay ku dhinteen, halka tiro kale ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka uu u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa salka ku haya muran ka dhashay dhul ku yaalla deegaanka lagu dagaalamay oo muddo dheer lagu muransanaa, balse ay socdeen dadaalo lagu xalinayay muranka ka taagnaa.

Inkastoo dagaalka uu xooggiisa ahaa waabarigii hore ee saaka, hadana waxaa la soo sheegayaa in haatan xaalada yara degan tahay, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale labada dhinac dagaalamaan.