Muqdisho 25 Arday ku sumowday Jalaato ay Cunneen

Wararka Maanta

Sida ay xaqiijiyeen Maamulka Iskuulka Global oo ku yaalla degmada Kaaraan Arday ka badan 25 Arday ayaa ku sumowday Jalaato ay dhuuqaayeen.  Ardaydaan ayaa la sheegay in xanuun uu kusoo booday markii ay Jalaatadda ay Afka Saareen waxaana loo cararay Isbitaal.

Sidda ay Xaqiijiyeen Maamulka Iskuulka iyo dadka degaanka arday ayaa qaarkooda ku jira Xaalad Adag, waxaana la sheegay in laga raacay Jalaato. ardayda sumowday ayaa la geeyey isbitaalka Keysaney.

Ciidamada Booliska oo goobta gaaray ayaa ku howlan baaritaan ay ku ogaanayaan cidda ka dambeysa in ardaydan ku sumoobaan jalaatada. sidoo kale maamulka Gobolka Banaadir ayaa gurmad u fidiyey ardaydan.

 

1 thought on “Muqdisho 25 Arday ku sumowday Jalaato ay Cunneen

Comments are closed.