Cadaado oo laga daahfuray Tababarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado xarunta barlamaanka Galmudug waxaa maanta ka furmay Tababarka tababarayaasha waxbarashada Madaniga iyo Wacyigalinta dadweynaha Dastuurka kumeelgaarka Soomaaliya.

Tababarkan ayaa waxaa wada qabanaya Wasaaradda Arimaha Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Dastuurka & Dib u heshiisiinta Dowlad goboleedka Galmudug.

Tababarkan ayaa socon doona muddo 4 Maalmood ah, Waxaana bixinaya Tababarayaal horey loogu soo tababaray Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigalinta Dastuurka Kumeelgaarka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug Mudane Sakariye Maxamed Maxamuud ayaa soo dhaweeyey Masuuliyiinta ka socda Wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Agaasimaha Guud Wasaaradda Arimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Subeyr ayaa ka mahadceliyey soo dhaweyntii loo sameeyey, wuxuuna sheegay in ka qeybgalayaasha laga doonaya in gudbiyaan casharada ay ku qaadan doonaan tababarkan.

Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug Mudane Maxamed Cabdi Colaad ayaa daahfuray Tababarkan, isagoo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda tababarkan.